La kala wareegida ciyaartoyda Yurub

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciyaaryahan Paul Pogba oo hadda u dheela Juventus

Kooxda Manchester City ayaa ku dadaaleysa sidii ay ula soo wareegi lahayd ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Juventus, Paul Pogba oo 22 jir ah, kaasoo lacagta iibsashadiisa lagu qiyaasay £60m. (Waxaa sidaas qoray wargeyska Mirror)

Kooxda Barcelona ayaa iyaduna wadahadal ku aaddan qaadashada Pogba la furtay Juventus, sida uu sheegay nin u tartamaya xilka gudoomiyenimada Barcelona. (Waxaa sidaas qoray wargeyska Sun)

Haddii ay Man City ku guuldareysato qaadashada Pogba, macalin Manuel Pellegrini ayaa diirada saari doona ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Aston Villa, Fabian Delph oo 25 jir ah.

Dhanka kale Manchester City ayaa ogolaatay heshiis ay kula wareegeyso weeraryahanka kooxda Fulham, Patrick Roberts oo 18 jir ah. (Waxaa sidaas qortay barta ESPN)

Kooxda Chelsea ayaa dooneysa goolhayaha Stoke City Asmir Begovic oo 27 jir ah, si uu ugu bedelo goolhaye Petr Cech.

Goolhayaha Manchester United David De Gea ayaa u muuqda mid ku raja weyn in uu ku biiro kooxda Real Madrid, balse boortaha koowaad ee kooxdaasi Iker Casillas oo 34 jir ah, ayaa sheegay in aanu diyaar u ahayn in booskiisa lagala wareegood. (Waxaa sidaas qoray wargeyska Manchester Evening News)