Arsenal oo u dhaw in ay Chelsea Cech kala soo wareegto

Lahaanshaha sawirka AP

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay soo iibsato goolhayaha kooxda Chelse, Petr Cech.

Hadii ay la soo wareegaan 33 jirkaasi waxa uu noqon doonaa ciyaartooygii ugu horeeyay ee ay Arsenal hesho xagaagan.

Cech 16 ciyaarood oo kali ah ayuu u saftay kooxda Chelse sanadkii hore.

Laakiin in kabadan saddex boqol oo ciyaarood ayuu u dheelay Chelsea, waxa uuna ku guulaystay afar koob oo horyaalka ingiriiska ah, afar koob oo FA ah, saddex koob oo League Cup ah, hal koob oo horyaalka Yurub ah iyo hal koob oo Europa League ah.

Ciyaaryahanka qaranka Belgium ee 23 jirka ah, ayaa noqday gool-hayaha ay Chelsea door biday ee sanadkii hore.

Petr hal sano ayaa u dhiman qandaraaska uu Chelsea kula jooga.

Kooxda Horyaalka Ingiriiska haysata ee Chelsea waxa uu kaga soo biiray kooxda Rennes sanadkii 2004.