Ciyaaryahan Pirlo oo ku sugan Mareykanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Pirlo ayaa ku guuleystay lix koob oo Serie A ah, laba Horyaalka Yurub ah iyo koobka adduunka

Ciyaaryahan Andrea Pirlo ayaa wadahadallo kula jira, Major League Soccer, ee magaalada New York, ee dalka Mareykanka.

Weli ma jiro heshiis uu la gaaro, laakiin haddii ciyaaryahan Pirlo uu saxiixo, waxa uu u wareegi doonaa oo uu ka barbar ciyaari doonaan ciyaaryaha Frank Lampard, ciyaartah dhexmari doonta MLS iyo Toronto FC, 12ka July ee sanadkan.

Pirlo hal sano ayaa uga dhiman inuu dhammaado heshiiska uu kula jiro kooxda Juventus, balse, waxa uu kooxda oo sanadkan hogaanka u haysa Taliyaaniga uu weydiistay in la fasaxo.

Ciyaaryahankan oo 36 sano jir ah waxa uu ahaa laacibiinta ugu horeeya ee Juventus, wuxuuna dheelay ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalka qaaradda Yurub ee Barcelona ay ku guuleysatay.

Waxa uu qaatay lix koob oo Serie A ah intuu u ciyaaraayay kooxaha AC Milan iyo Juventus.

Laba jeer ayuu Champions League kula guuleystay AC Milan, waxaa kaloo xulka qaranka dalkiisa uu la qaaday koobka kubadda cagta ee Caalamka sanadkii 2006dii.