Taliyaaniga oo ka badiyay ciyaartoyda England

Lahaanshaha sawirka ALLSPORT
Image caption England iyo Italy xifaaltan adag ayaa ka dhexeeya.

Ciyaartoyda England ee da’doodu ka yartahay 21ga sano, ayaa ka haray ciyaaraha horyaalka Yurub, kaddib markii Taliyaaniga uu ku garaacay 3-1, oo ay isku group ku jiraan.

Waxa ay horey barbardhac ula galeen Boortiqiiska, waxaana ay ka soo badiyeen Sweden, haddii hal dhibic oo kaeli ah ay heli lahaayeen, waxaa suuragal ah inay semi-final ka gaaraan.

Laakiin waxa ay niyadooda jabtay markii laba gool looga hormaray qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ka kala dhaliyay, Andrea Belotti iyo Marco Benassi.

Goolka labaad ee Benassi oo ahaa teesto uu dhulka ugu dhuftay ayaa rajada ka dishay inay dib u soo kabsadaan kooxda England, waxaana u dhameystiray Nathan Redmond oo si dhab ah u qoor gooyay.

Guusha ay ciyaartoyda England ay ka gaareen Sweden waxa ay soo celisay rajadooda tartanka, ayagoo u baahnaa hal badis oo kale si mar kale aan ciyaaraha looga celinin, sidii laba sano ka hor ku dhacday oo kale.

Laakiin ciyaartooda sedaxaad oo laga filaayay inay guul ka gaaraan ma aysan dhicin, waxayna ku kufeen group-yada dhexdooda.

Tababaraha xulka da’doodu ka yartahay 21-da sano, ee Britain Gareth Southgate waxa uu qeyb ka ahaa kooxdii England ee 1998-dii xaqiijisay inay u soo baxaan ciyariha kubadda cagta ee caalamka, xilligaas oo barbardhac ay la galeen Taliyaaniga, laakiin hadda ma aysan dhicin in kooxdiisa ay sidaas oo kale guul gaaraan.