Gabdhaha Jarmalka oo semi-finalka u gudbay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gabdhaha Faransiiska ayaa goolka la hormaray, qeybtii labaad ee ciyaarta

Gabdhaha ciyaartoyda kubadda cagta ee dalka labada jeer ku guuleystay koobka dunida ee dumarka ee Jarmalka ayaa waxa ay gool ku laatyo (rigoorooyiin) uga bidiyeen gabdhaha Faransiiska.

Waxa ay ciyaarta semi finalka la ciyaari doonaan gabdhaha Mareykanka oo iyagana xalay 1-0 uga adkaaday xulka gabdhaha Shiinaha.

Louisa Necib oo weerarka uga ciyaarta Faransiiska ayaa gool dhalisay qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin waxaa rajada Jarmalka soo celisay Celia Sasic, taas oo dhalisay gool ku laat muran ka taagan yahay, markii ciyaarta ay lix daqiiqo ka harsanayd.

Waqti dheeri ah oo 30 daqiiqo ah ayaa lagu daray, Faransiiska ayaana fursado badan aan ka faa’ideysay inta waqtiga dheeraga ah la ciyaarayay.

Kaddib markii ay labada koox ismari waayeen ayaa rigoorooyiin loo dhigay, hase ahaatee, Claire Lavogez ayaan dhalin rigoorada loo dhigay taas oo keentay in Jarmalka ay ku soo baxaan 5-4.

Waa markii ugu horeysay oo gabdhaha ciyaartoyda Jarmalka ay koobka kubadda cagta dunida ee dumarka ay rigoore isla gaaraan koox kale.