Brazil oo ka hartay koobka Copa America

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxda Paraguay oo dabaaldagaya kaddib markii ay ka badiyeen Brazil

Brazil oo caan ku ah ciyaaraha kubadda cagta ayaa laga reebay koobka qarammada ee Koonfurta America kaas oo loo yaqaano Copa America.

Brazil waxaa lagaga badiyay gool kulaadyo ama rigooreyaal waxaana reebtay kooxda Paraguay, oo hadda ay afar dhamaadka wada ciyaari doonaan dalka Argentina.

Koobkaasi waxa uu ka socdaa dalka Chile.

Wariyayaashu waxay leeyihiin badintani si gaar ah ayay niyad jab ugu tahay Brazil, maadaama oo ay doonayeen in ay iska mayraan ceebtii ka soo gaartay koobkii adduunka ee 2014-kii lagu qabtay dalkooda halkaas oo Germanku ay todobo iyo eber kaga badiyeen.

Dalalka kale ee Copa America afar dhamaadkiisa isugu soo haray waxaa ay kala yihiin Chile iyo Peru.