England oo semi-final ka u gudubtay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Waa markii ugu horeysay oo England ay wareeggan usoo gudubto

Gabdhaha ciyaartoyda England ayaa waxa ay gaareen ciyaarta semi-final ka ee koobka kubadda cagta ee dumarka kaddib markii ay ka adkaadeen dalka Martigelinaya ee Canada, waxayna fooda isdari doonaan Japan.

Gabdhaha England ayaa si wanaagsan ciyaarta u bilowday iyagoo hogaanka ku qabtay laba gool.

Goolka ugu horeeyay waxaa u dhalisay Jodie Taylor, kaas oo ah keedii ugu horeeyay ee ay dhaliso intey ciyaareysay kubadda cagta ee caalamka.

Waxayna hadda ka soo noqotay dhaawac muruqa ka gaaray, kaas oo qalliin looga sameeyay.

Goolka barbardhaca waxaa madaxa Canada ugu dhalisay Lucy Bronze, oo kubad xor ah ka heshay Fara Williams.

Gool hayaha Karen Bardsley ayaa ayaduna lagu sharfay inay goolka labaad u dhaliso England markii seddax daqiiqo ay ka dhimaneed qeybta koobaad e ciyaarta.

Laakiin labada koox ayaan wax gool ah iska dhalin qeybta labaad ee ciyaarta taas oo fursad u siisay England inay labada gool iyo hal kaga adkaadaan Canada.

Markii firimbiga ugu dambeeyay uu yeeriyay garsooraha ciyaarta, gabdhaha England waxa ay bilaabeen inay dabaaldegaan, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo ay u soo baxaan Semi-final ka.

Sidoo kale waxaaba England taariikh u ahayd inay ka soo gudbaan qeybta isreebreebka 16 ka oo ay soo garaaceen Norwey.