Chile oo ku guuleysatay Copa America

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaartoyda Chile oo dabaaldegaya

Xulka qaran ee Chile ayaa ku guuleystay koobka Copa America, kaddib markii uu gool ku laad 4-1 kaga badiyay xulka Argentina.

Chile oo dalkeeda lagu qabtay tartankan, ayaa 99 sano sugeysay in ay qaado koobkan.

Ciyaaryahan Alexis Sanchez ayaa Chile u dhaliyay gool ku laadka ay koobka ku qaaday.

Argentina oo ay u dheelaan laacibiin ciyaaraha adduunka looga dambeeyo, ayaa haddii ay qaadi lahayd koobkan, waxa uu noqon lahaa keedii 15-aad, waxayna la koobab siman lahayd Uruguay, oo haysata 15 koob.