Balotelli oo ka maqnaan doono tababarka

Lahaanshaha sawirka z

Weeraryahanka Liverpool oo ka maqnaan doona cayaaraha isdiyaarinta ee kooxdiisa.

Mario Balotelli ayaan ku soo laaban kooxda, kaddib markii xubin ka tirsan qoyskiisa uu dhintay oo la siiyay fasax naxariiseed.

Balotelli oo ku soo koray Brescia, waqooyiga Talyaaniga, ayaa la noolaa waalidkii soo qaatay markii uu saddex sano jirka ahaa, iyadoo aabahaasi uu dhintay dhamaadkii todobaadka.

Cayaartoyga ayaa u mahadceliyay qofkasta ee taageeray, isagoo sheegay in sidoo kale qoyskiisa ay ka mahadcelinayaan.

Afar gool oo kaliya ayuu dhaliyay hal horyaal, isagoo ku guuldareysay inuu muuqdo.