Afrikan ka qeybgalaya tartanka baaskiilada

Madaxa kooxda Afrikaanka ee baayskiilada ayaa sheegay “Shan sano gudahood Afrikaan ayaa ku guulaysan doona tartantkanka baaskiilada ee Faransiiska,”

Kooxdan Afrikaanka ah ee baaskiilda ku tartamaya ee uu laylinayo Doug Ryder, waxaa kamid ah laba u dhashay dalka Eritrea iyo Sadex u dhashay Koonfur Afrika, kooxdan ayaa ka kooban sagaal qof oo katirsan kooxdan la yiraahdo MTN-Qhubeka.

Waxa uu sheegay Mr Doug Ryder, “ kooxdan iyo Afrikaba waxay isbedel weyn ku keeni doonaan taratanka baaskiilada,”

Waxa uuna intaa ku daray, inuu aaminsanyahay in qof Afrikaan ah uu ku guulaysan doono tartanka ugu weyn baaskiilada, shanta ama sadexda sanno ee soo socda.

Koox ka socota dalka koonfur Afrika, ayaa horay tartankan uga qayb qaadatay waxaana la yiraahdaa Barloworld, waxa ayna ka qayb galeen tartankii 2007 iyo kii 2008 dii.

Waxaa kaloo ka qayb galay tartamayaal asalkooda kasoo jeedo Afrika sida nin Brirish/Kenyan ah oo la yiraahdo Chris Froome, oo guul ka gaaray qayb kamid ah tartanka 2013.

Waxa uuna horay ugu taratmay tartanka baaskiilada ee Faraansiiska (Tour de France)

Haddaba kooxdan MTN Qhubeka, ee degan dalka koonfur Afrika, tan iyo markii la asaasay ayaa waxa ay yihiin koox xirfadlayaal ah markay noqoto xaga baaskiilada, waana koox Afrikan ah ee si rasmi ah loogu casuumo tartankan, markii u horeysay,

si ay uga qayb galaan tarntanka sanadkan oo sabtidan ka bilaabmaya magaalada Utrecht, ee dalka Netherlands

Waxaa kamid ah kooxdan wiilashii ugu horeeyay oo ka socda dalka Eritrea, ee tartankan ka qayb qaata waxaana la kala yiraahdaa Daniel Tekelhaimanot oo ah 26 jir iyo Merhawi kudus oo 21 jir ah.

Waxaa kaloo ka qayb galaya saddex wiil oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, waxaana la kala yiraahdaa Louis Meintjes, Jacques Janse van Rensburg iyo Reinardt Janse van Rensburg.

Waxaa kaloo kamid ah wiilal ka socda dalalka Norway, Belgian, Ingland iyo USA.

Madaxa kooxdan ayaa sheegaya in kooxdooda ay waxyaabo cusub kusoo kordhin doonaan tartanka.

Waxaanu intaa raaciyey in kooxdani ay alabaabada u furayaan tartamayaal ka socda Afrika mustaqbalka.