Van Gaal oo qorsheynaya in uu Man United isaga tago 2017-ka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tababaraha kooxda Manchester United, Louis van Gaal.

Tababaraha kooxda Manchester United, Louis van Gaal, ayaa sheegay in ay suuragal tahay in uu isaga tago kooxdaasi markii uu dhammaado qandaraaska 3-da sana ah ee uu kula joogo si uu u oofiyo ballaankii uu ka qaaday xaaskiisa.

Waxa uu yiri sidaas ayaan ka ballan qaaday xaaskeyga, oo maadaama aan sanado badan kala maqnayn xaaskayga ayaan sidan u sameynayaa ayuu sii raaciyay 63 jirkaasi.

Isagoo sheegay in waxkastaa uu u huray xirfaddiisa tababarenimo, qoyskana ay tahay in fursad la siiyo.

Mar la waydiiyay in ay suuragal tahay in uu sii joogo naadiga ayaa waxa uu sheegay in uusan ka jawaabi karin.

Dhanka kale Van Gaal ayaa tilmaamay in Cristiano Ronaldo uu yahay nooca ciyaaryahan ee ay Manchester United doonayso si ay ula tartanto kooxaha uu xifiltanka kala dhaxeeyo.

Ronaldo ayaa 118 gool u dhaliyay kooxda Manchester United lix sano oo uu u dheelayay.