Ciyaaryahan Ndey, oo la dhigay isbitaal

Cayaaryahanka Difaaca xulka Congo Rudy Guelord Bhebey Ndey, ayaa la dhigay qeybta xaalada dagdaga ah ee isbitaal, kaddib markii uu dhacay oo uu madaxa hormarsaday xili uu ciyaarayay.

Ciyaaryahankan, oo 25-sano jir ah, ahaanaa horjoogaha kooxda AC Leopards, ayaa dhaawacmay 17 daqiiqo markii uu ciyaarayay koobka qaaradaha ee kooxda B ay la ciyaarayeen kooxda Zamalek ee dalka Masar sabtidii.

Waxaa loo qaaday markii uu dhaawamay isbitaal qaas ah oo ay leeyihiin ciidmada cirka ee magaalada Qaahira isaga oo xaaladiisa ay liidato.

Dr Salah Abdelkhaleq ayaa sheegay talaadadii in ciyaaryahanka uu xaalkiisa fiican yahay, wuxuuna sheegay in aan lagu degdegi karin in la sheego in uu ciyaari doono iyo in kale.

Wuxuu dhaqtarku sheegay in dhaawaca uu ka soo gaaray dhabarka, ayna ku adag tahay in uu neefsado iyo in dhiig uu kaga furmay maskaxda.

Balse, wuxuu sheegay in qaliinka lagu guuleystay.

Ndey ayaa waxaa booqday isniintii maamulaha caafimaadka xiriirada kubadda cagta Africa Boubakary Sidik, oo yiri Ndey wuxuu helayaa dawadii lagama maarmaanka u ahayd daryeelka caafimaad ee xaaladda uu ku jiro, iyadoo heerkii ugu sareeyay uu daryeelku gaarsiisan yahay.

Ndey ayaa dhaawacmay markii uu si xun u dhacay isaga oo isku dayay in aysan isku dhicin goolahaye Ahmed El-Shenawy, ee u ciyaara kooxda Zamalek.

Sarkaal u hadlay kooxda Zamalek, oo ku badisay 2-0, ayaa sheegay in kooxdiisa ay bixinayso kharashaadka lagu daweynayo ciyaartooygaasi.

Ndey ayaa horjooge u ahaa kooxda Leopards ee koobka qaaradaha ee sanadkii 2012-kii, iyaga oo ka badiyay kooxda Djoliba ee Mali oo ay ku garaaceen 4-3 ciyaartii dhamaadka.

Waxaa sidoo kale loo magacaabay xulka sanadka 2014-ka ee koobka horyaalada Africa ee ka dhacay dalka Koonfur Africa.