Gool-dhaliyayaasha Afrikaanka ah ee todobaadka koowaad ee EPL

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Yaya Toure oo u dheela kooxda Manchester City

Todobaadkii ugu horreeyay ee horyaalka Ingiriiska ee socda, ayaa waxaa ay kooxuhu kala dhaliyeen 30 gool, waxaana 10 ka mid ah goolashaasi dhaliyay ciyaartooy kasoo jeeda qaaradda Afrika.

Halkan ka aqriso magaca, dalka uu u dhashay, kooxda uu u dheelo iyo tirada goolasha uu ciyaaryahan kasta dhaliyay todobaadkan ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska.

Yaya Toure, oo u dashay Ivory Coast ayaa ciyaartii kowaad Manchester City u dhaliyay 2 gool.

Riyad Mahrez oo u dashay Algeria, ayaa ciyaartii kowaad Leicester u dhaliyay 2 gool.

Odion Ighalo oo Nigeria u dhashay ayaa gool u dhaliyay Watford.

Papiss Cisse oo Senegal u dhashay ayaa gool u dhaliyay Newcastle.

Andre Aye woo Ghana u dhashay ayaa gool u dhaliyay Swansea.

Arouna Kone oo Ivory Coast u dhashay ayaa gool u dhaliyay Everton.

Rudy Gestede oo Benin u dhashay ayaa gool u dhaliyay Aston Villa.

Cheikhou Kouyate oo Senegal u dhashay ayaa gool u dhaliyay West Ham.