Usain Bolt oo ku guuleystay orodka 200m

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Bolt waxa uu difaacanayaa horyaalka orodka 200 ee mitir

Orod yahanka u dhashay dalka Jamaica, Usain Bolt waxa uu ka guuleystay Justin Gatlin oo ay ku tartameen orodka 200 mitir, ee tartamada ka socda magaalada Beijing.

Asigoo difaacanaya horyaalka, Bolt oona 29 sano jir ah waxa uu 200 ee mitir ku orday 19 daqiiqo iyo 55 ilbiriqsi, laakiin Orodyahanka u dhashay Mareykanka Gatlin waxa uu orday 19 daqiiqo iyo 74 ilbiriqsi.

Waa markii labaad ee labadan orodyahan ay tartamaan, uuna Bolt guuleystay. Axaddii la soo dhaafay waxa ay ku wada ordeen 100 mitir, Usain Bolt ayaana helay abaalmarinta dahabka.

"Bolt Halkan wuu imaaday wuuna ismuujiyay xittaa haddii uusan noqonin qofka ugu wanaagsan xilligan," sidaasi waxaa sheegay Michael Johnson oo horey u ahaan jiray ninkii ugu sareeyay.