Mourinho ciyaari waa galin dambe

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption ciyaartii 100 ee uu Mourinho gurigiisa ku ciyaaro waxay ku soo aaday guuldaradii labaad ee soo wajahda.

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa rumaysan in hadii ay kooxdiisu ka ciyaari lahayd horyaal kale ay u dhamaan lahayd rajada ay ka qabaan koobka.

Kooxda Crystal Palace's ayaa 2-1 kaga badisay Chelsea Sabtidii taasina waxa ay ka dhigantahay in ay 8 dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka haysa ee Manchester City kaddib afar kulan oo la ciyaaray.

Mourinho wuxuu sheegay in afar ciyaarood laga helo afar dhibcood in ay tahay bilaw xun, sanadkii hore afartii ciyaarood ee u horeeyayba kooxdiisu way badisay.

Jose waxaa uu yiri hadii uu koonkani ahaan lahaa mid kale waxaan dhihi lahaa rajo ma lihin. Laakiin maadaama uu horyaalka ingiriiska yahay ma dhahayo rajo ma lihin.

Macalinkan reer Portuguese waxa uu intaas ku daray in hadda kooxda horyaalka haysaa ay sideed dhibcood ka sarayso balse uu horyaalku gadaal ka sii adkaan doono.