Dalxiisyaasha horyaalka Ingiriiska

Lahaanshaha sawirka AFP

Taageerayaasha kubbadda cagta ee waddammada dibadda ee soo booqda dalkan Britain ayaa haatan tiradoodu waxay gaartay 800,000.

Horyaalka Ingiriiska ayaa sanadii 2014kii waxaa u soo booqday in kabadan 800,000 oo dalxiise oo dibada ka yimid , waxaanay dadkaas intooda badani ka yimadeen dalka Irland (121,00), Norway waxaa ka yimid (93,000), Sweden (58,000) iyo dalka maraykanka oo ay ka yimadeen (53,000).

garoomada inta badan ay tagaan waa kuwee?

Old Trafford iyo Arsenal Emirates Stadium ayaa aad loo tagay oo 109,000 kiiba ay booqdeen

Mas'uuliyiinta sport-gu sidee bay u arkaan arrintan?

Madaxa horyaalka Richard Scudamore ayaa soo dhaweeyay kor ukacan dalxiisayaasha kubadda

Horyaalka ingiriiska ayaa magac weyn ku leh caalmka iyadoo dadka la socda lagu qiyaaso ilaa 1.2 bilyan ,

waxaa kaloo ay TvYada caalamka ka helaan lacag lagu qiyaasay inay ka badan tahay 2 bilyan oo giniga ingiriiska ah taas oo socon doonta 2016-2017ka .