Guuldarrooyinka kooxaha Ingiriiska

Lahaanshaha sawirka
Image caption Maamulayaasha kooxaha Ingiriiska.

Maxay ugu adkaatay kooxaha Ingiriiska ee ugu wanaagsan tartanka horyaalka inay badiyaan ciyaaraha horyaalka Yurub, shan guuldarro ayay la kulmeen lix ciyaarood?

Kooxaha ugu fiican tartanka Premier League waxay ilaa iyo hadda ciyaareen lix kulan oo ka tirsan horyaalka Yurub oo ah kan ugu weyn qaaradda, shan ka mid ahna guuldarro ayay ku dhammaadeen. Manchester City iyo Manchester United waxay kulammadoodii 2aad dheelayaan maanta kaddib markii labadaba laga badiyay kulammadoodii 1aad.

Maxaa ku dhacay kooxihii waaweynaa? 24 ciyaarood oo guruub loo dheelay xilli-ciyaareedkii hore afarta kooxood ee mataleysay Premier League lix ciyaarood oo keliya ayaa laga badiyay.

Tartanka horyaalka Yurubna sannadihii u dhexeeyay 2003-04 ilaa 2011-12, tiradii ugu badnayd ee guuldarrooyin kooxaha Ingiriiska ee guruubyada Champions League waxay ahayd shan- tiradaas oo durbadiiba sanadka oo bilaw ah la gaaray.

Marka xaggee wax ka khaldameen? Arrintuse ma noqon kartaa calaamad wax soo socda oo ah inay u dhammaanayso kaalintii kooxaha Ingiriiska ee horyaalka Yurub?