Wararka Ciyaaraha

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tokyo Sexwale iyo Sepp Blatter.

Siyaasiga reer Koonfur Afrika ee la yiraa Tokyo Sexwale, ee mar xabsiga Robben Island kula xirnaan jiray Nelson Mandela, ayaa waxa uu qorshaynayaa inuu u tartamo xilka madaxweynaha FIFA.

Waxa uu sheegayaa in weli uusan go'aan buuxa gaarin.

Waqtiga kama dambeysta ah ee ay tahay in musharrixiinta ay ku soo gudbistaan codsigooda ayaa waxaa ka harsan wax ka yar saddex toddobaad.

Ciyaaraha Afrika ee galabta

Isla Afrikana galabta waxaa qaaradda ka bilaabanaya ciyaaraha hordhaca Isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018-ka. Xulalka dheelayana waxaa ka mid ah xulka South Sudan oo markii ugu horreysay ka qeyb qaadanaya ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka.

Comoros vs Lesotho Seychelles vs Burundi Tanzania vs Malawi South Sudan vs Mauritania Mauritius vs Kenya

Tartanka Somaliland

Tartankii ciyaaraha kubbadda cagta ee gobollada Somaliland ayaa wareeggiisii hore ka socdaa magaalooyinka Borama iyo Burco.

Boorama waxaa shalay ku wada ciyaaray Buuhoodle iyo Maroodi-jeex Hargeysa, 3-2-na waxaa ku badisay Maroodi-jeex Hargeysa.

Burco waxaa ku wada ciyaaray Badhan iyo Taleex, 2-0-na waxaa ku badiyay kooxda Taleex ee gobolka Xaysimo.

Maanta Boorama waxaa ku wada ciyaari doona Gabiley iyo Zeylac, halka Burcana ay ku ballansan yihiin Sanaag iyo Saraar.