Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo ciyaaraysa is-reebreebka koobka adduunka

Maalinta Jimcaha berrito ah waxaa dalka Itoobiya ka dhacaysa ciyaar kubbadda cagta oo dhexmaraysa xulalka qaranka ee dalalka Soomaaliya iyo Niger.

Waxay ka mid tahay ciyaaraha is-reebreebka loogu soo baxayo koobka adduunka ee la qaban doono sanadka 2018. kulanka 2aad ee labadan kooxood waxaa uu ka dhici doonaa dalka Niger maalinta Talaadada ee soo socota. Haddaba, weriye madaxbannaan oo reer Itoobiya ah oo la yiraa Betemariam ayaa waraysi la yeeshay kabtanka kooxda Soomaalida Kabtan Xasan. Su'aalaha Af-Ingiriis ayuu ku weydiiyay wuxuuna ku jawaabayaa AfSoomaali.