Maamulayaasha cusub ee horyaalka Ingiriiska

Sam Allardyce Lahaanshaha sawirka press association
Image caption Maamule Sam Allardyce

Kooxda Sunderland waxay maamule u magacawdeen tababarihii hore ee kooxaha West Ham iyo Newcastle, Sam Allardyce, oo ay siiyeen shaqo laba sano ah.

Maamulaha cusub ee kooxda Liverpool, Jurgen Klopp, waxaa uu shaqada Liverpool ku tilmaamay inay tahay loollanka adduunka ugu weyn ee duniada kubbadda cagta.

Xiriirka kubbadda cagta ee Ingiriiska waxay kooxda Chelsea ku ganaaxeen £40,000 sidoo kalana kooxda kooxda Arsenal ayay ku ganaaxeen £30,000 kaddib markii labadaas kooxood ay kala celin waayeen ciyaartoydooda kulan ku dhexmaray garoonka Chelsea ee Stamford Bridge 19 September 2015.

Weeraryahanka Sergio Aguero waxaa uu sheegay inuu muddo bil ah ciyaaraha ka maqnaan doono isagoo uu dhaawac ka gaaray Faysha lugta iyadoo isla markaana laacibka ay kooxda Manchester City u wada dheelaan ee David Silva uu Jilibka dhaawac ka gaaray.

Chelsea waxay qaadatay goolyahihii hore ee kooxda AC Milan iyo xulka qaranka Talyaaniga, Marco Amelia, oo heshiis aan laga iibin kula joogi doona ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan.

Amelia, oo 33 jir ah, waxay Chelsea qaadatay kaddib markii goolyaheedii Thibaut Courtois uu Jilib ka dhaawacmay bishii September ayna u muuqato inuusan ciyaari doonin ilaa bisha December.