Dhimasho ka dhacday ciyaaraha Boorama

Somaliland flag
Image caption Calanka Somaliland

Garoonka kubbadda cagta ee magaalada Booraama oo galabta ciyaar ka tirsan tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ay ku dhexmareysay Awdal iyo Maroodi-Jeex ayaa waxaa ka dhashay rabshado uu ku dhintay hal qof, sida uu BBC u xaqiijiyay guddoomiyaha goblka Awdal Mr. Ramaax.

Qofka dhintay waxaa haleeshay rasaas ay ciidanku ku kala kaxeynayeen taageerayaasha ciyaaraha.

dhowr maalmood ka hor ayaa wiil yari ku dhintay sidan oo kale magaalada Boorama rabshado ciyaaraha gobollada.