Taariikhda Ciisa Xayaatuu

Lahaanshaha sawirka AFP

Siyaabo badan, warkani waxaa laga yaabaa inuu yahay mid uu Ciisa Xayaatuu, oo u dhashay dalka Cameroon, uu si gaar ah u filayay.

FIFA oo la aasaasay muddo 111 sano laga joogo, waxaa hadda farsamo ahaan madax u ah nin Afrikaan ah markii ugu horreysay taariikhda, warkaas oo dabcan si wanaagsan looga soo dhoweynayo qaaradda.

Hase yeeshee, guddoomiyahan ku-simaha ah marnaba laguma eedeyn inuu saxaafadda xodxoto, taas beddelkeeda intii uu iska fogeyn karo aad ayuu uga fogaadaa.

Haatanse nin aad ugu faraxsan awoodda uu helay ayaa iftiinka lagu shiday.

Sagaashanka maalmood ee soo socda, inta Sepp Blatter uu shaqada ka maqan yahay, Xayaatu masraxa ayuu saarnaan doonaa, waxaana laga yaabaa inuu u arko in uu ka kulayl badan yahay sidii hore oo dhan.

Kaddib shaqo joojintii guddiga anshaxa ee fifa ay ku soo rogeen Blatter, Ciisa Xayaatuu oo muddo dheer soo ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee qaaradda Afrika, waxaa uu si ku-meel-gaar ah ula wareegay maamulka xiriirka kubbadda cagta adduunka, isagoo ahaa kan ugu sarreeya ku-xigeennada guddoomiyaha FIFA.

Xayaatuu oo ku dhashay woqooyiga dalka Cameroon, waa wiil nin suldaan ahaa, waxaana uu ka soo jeedaa qoys siyaasiyiin ah, walaalkiis waxa uu dalkaas ka noqday ra'iisal wasaare.

Sida Blatter oo kale, Xayaatuu waa siyaasi xariif ah, oo awood u leh inuu iska caabbiyo dhibaatooyinka ka hor yimaad si xirfadeysan.

Nin sport ayuu ahaa dhallinyaranimadiisii, waxaana uu dhaqankii qoyska si weyn ugu ballaariyay saameynta sport-ga, taas oo aan ku ekeyn Cameroon oo keliya balse gaartay markii hore Afrika, haatanna adduunka.

Waxaa uu ahaa guddoomiye-ku-xigeen fifa laga soo bilaabo sanadkii 1992, xubin guddiga fulinta laga soo bilaabo 1990-kii, waxaana uu madax ka ahaa xiriirka kubbadda cagta Afrika tan iyo 1988-kii.

Qaabkii xiriirka kubbadda cagta uga jawaabay weerarkii hubaysnaa ee lagu qaaday kooxda dalka Togo ee koobkii qaramada Afrika ee sanadkii 2010-kii, waxaa si wanaagsan looga fahmi karaa caqli badnida Xayaatuu. Waxaa uu diiday inuu daboolka ka qaado tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay xiiriirka kubbadda cagta Afrika, isagoo dayuurad u qaatay meeshii dhibaatadu ka dhacday habeenkaas, si uu xaaladda wax uga qabto waayo ma aanu rumeysnayn inay habboon tahay in ummaddu ogaato wixii dhacay. Muddadii aan arrinta wax war ah laga helin waxaa soo baxday dhaleecayn badan oo loo jeedinayay xiriirka kubbadda cagta Afrika sidii ay arrinta u maamuleen.

Laakiin markii dambe, sida uu sheegay Tunde Adelakun, oo ka shaqeynayay taariikhda Xayaatuu, Xayaatuu waa wiil suldaan oo aan weligiis wax laga weydiin noloshiisa rasmiga ah.

Waxaa uu sugayaa dhaxalka taajka suldaanka Garoua, dhaqankii ahaa inaan su'aalo laga jawaabinna waxaa uu la yimid maamulka kubbada cagta, ayuu sheegay ninka taariikhdiisa qoray.

Isagoo waaya-aragnimo ballaaran u leh maamulka kubbadda cagta, dalka Cameroon-na ka soo ahaan jiray aggaasimaha sport-ga bartamihii 1980yadii, Xayaatuu waxaa uu la kulmi doonaa su'aalo fara badan marka uu ugu dambaysta warbaahinta qaabilo.

Warbaahinta bulshadu waxay durbadiiba soo qaadeen waxyaabo hore loogu eedeeyay Xayaatuu, kuwaas oo dhammaantoodba uu beeniyay.

Eedahaas waxaa ka mid ah canaan ay guddiga olympic-ga adduunka u soo jeedisay sanadkii 2011-kii oo ku saabsanayd lacag uu ka helay shirkad kacday oo sport oo la oran jiray ISL intii u dhexaysay 1989 iyo 1999.

Sida ay sheegeen guddiga olympic-ga adduunka, Xayaatuu waa uu qirtay inuu lacag qaatay laakiin waxaa uu beeniyay inuu musuqmaasuq sameeyay, isagoo sheegay in lacagtaasi ahayd hadiyad xiriirkiisa Afrika.

Waxaa xigay eedo ay mudanayaasha baarlamaanka Britain uga hadleen guddiga dhaqanka, warbaahinta iyo sport-ga ee aqalka baarlamaanka, oo ahayd in Xayaatuu uu laaluush qaatay la xiriira qabashada tartanka koobka adduunka ee dalka Qadar sanadka 2022, taas oo haddana uu beeniyay.

Horraantii sanadkan, waxaa kaloo uu ka dambeeyay isbeddello lagu sameeyay xeerarka ururka kubbadda cagta Afrika oo ku saabsan da'da, taas oo u suurta gelinaysa inuu shaqadiisa sii wato.

Markii hore, waxaa qofku shaqada joojinayay marka uu 70 sano gaaro laakiin taas waxaa la beddelay bishii April ee la soo dhaafay. Waxaa taas macnaheedu yahay Xayaatuu oo hadda 69 jir ah, inuu shaqada dib u soo doonan karo marka uu dhammaado xilliga uu xafiiska haynayo oo ku eg sanadka 2017-ka.