Amiir Cali oo diiday dib u dhac doorashada FIFA

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Amiir Cali ee Urdun ayaa doonaya inuu u tartamo gudoomiyaha FIFA.

Musharraxa madaxtinimada Fifa, Prince Ali bin al-Hussein, waxaa uu sheegay in wixii dib u dhac ah ee ku yimaad doorashada qofkii beddeli lahaa Sepp Blatter aya abuuri doonto xasillooni darro dheeraad ah oo soo wajahda xiriirka kubbadda cagta adduunka..

Ninkan oo u dhashay dalka Urdun waxaa uu doonayaa inuu beddelo guddoomiyaha shaqada la joojiyay doorashada dhici doonta bisha February ee sanadka soo socda.

Hase yeeshee kaddib markii Blatter oo 79 jir ah iyo guddoomiyaha Uefa, Michel Platini, oo 60 jir ah, shaqada laga joojiyay, FIFA ayaa lagu wadaa inay ka wada xaajoodaan in dib loo dhigo doorashada.

Blatter oo ah Swiss iyo Platini oo u dhashay Faransiiska, ahna guddoomiye-ku-xigeen Fifa, labaduba waxay racfaan ka qaadanayaan shaqa joojinta lagu sameeyay muddo 90-maalmood ah.

Xoghayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke, ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay. saddexdooduba way beeniyeen inay wax khalad ah galeen.

Dhinaca kale, waxaa berrito la qabanayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu imanayaan xiriirka kubbadda cagta ee Yurub ( UEFA ).