Musharraxiinta Kubbadda Dahabka ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gareth Bale ayaa ah ciyaartooyga Britishka kaliya ee liiska ku jira.

Saddex ciyaartoy oo ka tirsan Manchester City ayaa ka mid ah shan ciyaartoy oo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska oo loo magacaabay musharraxiinta Kubbadda Dahabka ee la guddoonsiiyo laacibka sanadka ugu wanaangan adduunka, Laakiin mid keliya ayaa British ah.

Saddexda ciyaartoy ee Manchester City oo kala ah: Sergio Aguero, Kevin De Bruyne iyo Yaya Toure waxaa liiska kula jira 23 laacib oo u sharraxan Kubbadda Dahabka ee FIFA ay siiso ciyaartoyga sanadka ugu fiican adduunka.

Waxaa kaloo liiska ku jira Eden Hazard oo Chelsea ah iyo Alexis Sanchez oo Arsenal ah.

Laacibka Cristiano Ronaldo ee Real Madrid oo isagu haysta Kubbadda Dahabka ee loo tartamayo iyo laacibka Barcelona ee Lionel Messi, oo labadoodu ay ku kala guulaysteen abaalgudkaas toddobadii sano ee la soo dhaafay, ayaa hadda ugu horreeya liiska musharraxiinta.

Laacibka Wales iyo Real Madrid weerarka uga dheela ee Gareth Bale ayaa ah ciyaartoyga keliya ee British ah ee la magacaabay.

Maamulaha Chelsea, Jose Mourinho iyo maamulaha Arsenal, Arsene Wenger, ayaa iyaguna ka mid ah 10 tababare oo u sharraxan maamulaha ugu wanaagsan sanadka.

Waxay la tartami doonaan maamulaha Barcelona, Luis Enrique, oo kooxdiisa u horseeday inay saddex koob ku guulaysato oo kala ah horyaalka Yurub ee Champions League, Spanish league iyo Spanish cup, iyo maamulaha Bayern Munich,Pep Guardiola.