Ciyaartooy horyaalka oo dhaawacyo gaareen

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Aaron Ramsey ayaa u ciyaara Arsenal.

Laacibka dhexda uga ciyaara xulka Wales, Aaron Ramsey, waxaa uu ku dhaawacmay ciyaartii xalay dhexmartay kooxdiisa Arsenal iyo kooxda Bayern Munich.

Maamulaha Arsenal, Arsene Wenger, waxaa uu sheegay in ciyaartoygaasi uu muddo ka maqnaan doono kulammada horyaalka ee kooxda Arsenal, oo ay ugu soo horreyso ciyaarta ay isaga hor imanayaan kooxda Everton Sabtidan.

Arsene Wenger, waxaa uu sheegay in natiijada 2-0 ay Arsenal uga badisay Bayern Munich ciyaartii horyaalka Yurub ee Champions ay kooxdiisa siin doonto isku-kalsoonaan.

Waxaa kaloo kooxdiisa Tottenham dhaawac uga maqnaan doona muddo lix toddobaad ah ciyaartoyga baalka uga dheela ee Nacer Chadli oo jilibka ka dhaawacmay ciyaartii ay la yeesheen kooxda Liverpool.