FIFA oo sheegtay dadka u tartamaya gudoomiyenimada

Image caption Dadka u tartamaya gudoomiyenimada FIFa.

Fifa waxay caddeysay in toddoba musharrax ay u taagan yihiin doorashada dhici doonta 26 February.

Musharraxiintu waxay kala yihiin: Prince Ali bin al-Hussein, Musa Bility, Jerome Champagne, Gianni Infantino, Michel Platini, Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa iyo Tokyo Sexwale.

Ciyaartoy hore ee kubbada cagta ee jasiiradda Trinidadian, David Nakhid, liiska kuma jiro inkastoo uu sheegay inuu musharraxnimadiisa soo gudbiyay.

Doorashada waxaa loo qabanayaa in la helo qofkii beddeli lahaa Sepp Blatter, oo shaqada laga joojiyay isla markaana uu ku socdo baaritaan dembiyeed la xiriira fadeexad musuqmaasuq lagu eedeeyay madaxda sare ee FIFA.