Dhaawacyo soo gaaray Arsenal

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Theo Walcott ayaa kamid ah ciyaartoyda dhaawaca gaaray.

Labada ciyaartoyba waxay ka baxeen kulankii Talaadadii dhexmaray Arsenal iyo Sheffield Wednesday ee League Cup taas oo 3-0 ay ku adkaatay kooxda Sheffield Wednesday.

Walcott waxaa dhaawac ka gaaray camaamumta lugta, halka Oxlade-Chamberlain uu ka dhaawacmay faysha lugta.

Maamulaha Arsenal, Arsene Wenger, waxaa uu mar dambe qirtay inuu adeegsanayo ciyaartoy badan oo waaya-arag ah.

labadaas ciyaartoy waxay ka maqnaan doonaan laba kulan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, oo Arsenal ay isaga hor imanayaan kooxaha Swansea City iyo Tottenham Hotspur iyo ciyaar ka tirsan horyaalka Yurub oo ay la yeelan doonaan Bayern Munich.