Qaab ciyaareedka Man United oo la dhaleeceeyay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Paul Scholes

Laacibkii hore ee Manchester United dhexda uga ciyaari jiray ee Paul Scholes ayaa sheegay inuusan ku farxi lahayn inuu ka mid noqdo kooxda Louis van Gaal.

United waxaa penalty ama rigooreyaal uga badisay kooxda Middlesbrough tartanka League Cup maalintii Arbacadii kaddib markii ciyaarta oo ka dhacday garoonka Old Trafford ay ku dhammaatay eber iyo eber 120 daqiiqo oo la dheelayay.

Scholes waxaa uu ammaanay difaaca Manchester isagoo sheegay in si fiican loo tababaray laakiin waxaa uu dhaliilay qaab ciyaareedka kooxda.

"Waxaa jirta hal abuur la'aan iyo halis," ayuu yiri Scholes, oo 718 ciyaarood u dheelay Manchester United.

Speaking to BBC Radio Manchester he added: "It's a team now you wouldn't want to play against because they're tightly organised.

"But it seems he (Van Gaal) doesn't want players to beat men and it's probably not a team I'd have enjoyed playing in."