Natiijooyinka ciyaaraha Ingiriiska ee todobaadkan

Lahaanshaha sawirka Getty

Kooxda Manchester City ayaa wali haysa hogaanka Premier League, waxayse si dirqi ah gurigooda ugaga badiyeen kooxda Norwich, waxaa badbaadiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ee Yaya Ture oo gool kulaad ama rigoore u dhaliyay daqiiqadii 89-laad ciyaartuna waxa ay ku dhamaatay 2 iyo 1

Kooxda Arsenal ayayse isku dhibco yihiin, kaddib markii ay 3 iyo 0 kaga badisay Swansea.

Leicester ayaa kaalinta saddexaad ku jirta, mar kale ayayna boodhka iska jaftay iyada oo saddex iyo 2 ku badisay inkasta oo goolasha lagaga hor maray

Manchester United ayaase markale waji gabax la kulantay, waxay barbaro gool la'aan galeen markii saddexaad iyaga oo eber iyo eber isku mariwaayay Crystal Palace.

Hasa ahaatee waxaa si layaableh looga badiyay kooxda West Ham oo waxaa ku barbaratayba Watford.

Waxaa iyagana Eber iyo Ebe isla dhaafiwaayay Newcastle iyo Stoke.

Waxaase shalay cashir lama ilaawan ah loo dhigay Chelsea oo waxaa saddex iyo hal ku tuntay Liverpool.

Tababare Jose Mourinho ayaa la waydiiyay in uu filayo in ciyaatani ay noqoto tii ugu dambaysay ee uu Chelsea layliyo, wuxuuna isla markiiba ku jawaabay maya uma malaynayo.