Natiijooyinka ciyaaraha Horyaalada Yurub ee xalay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahano ka tirsan Manchester City

Waxaa xalay qaaradda Yurub laga dheelay qaar kamid ah ciyaaraha Horyaalada Yurub ee heerka group-yada.

Manchester City ayaa waxa ay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan kaddib markii iyadoo marti ah ay 3-1 uga adkaatay kooxda Sevilla, halkaasi oo celcelis ahaan ay kooxda Manchester City ugu gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Horyaalada Yurub.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wayne Rooney, kabkan kooxda Manchester United

Wayne Rooney, ayaa xalay ka fujiyay kooxdiisa oo 79-aad waxa uu dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisa kaga badisay kooxda CSKA Moscow, goolkaasi oo noqday goolkii ugu horreeyay ee uu ka dhaliyo koobka Horyaalada Yurub ee xagaagan.

Sidaana Rooney waxa uu kula sintay rikoorka gooldhalinta ciyariyahankii hore ee Manchester United ee Dennis Law ee u dhaliyay kooxdaasi 237 gool.

Rooney ayaa goolkaasi waxa uu u noqonayaa goolkisii 237-aad ee uu u dhaliyo Manchester United, wuxuuna haatan kaalinta labaad ee gool dhalinta ciyaaryahanada kooxda Manchester United lasoo galay Dennis Law oo isla kooxdaasi shayaadiinta cas-cas u dheeli jiray intii u dhaxeysay 1962-73.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaartii xalay dhexmartay Real Madrid iyo PSG

Dhanka kalana kooxda Real Madrid ayaa u gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Horyaalada Yurub kaddib markii ay guul dafiic ah oo 1-0 ah ka soo hoysay ciyaartii ay la yeelatay kooxda Paris St-Germain.

Ciyaaraha kalana kooxuhu waxay u kala adkaadeen sidatan:

Shakhtar Donetsk 4 - 0 Malmoe FF

PSV Eindhoven 2 - 0 Wolfsburg

FC Astana 0 - 0 Atletico Madrid

Benfica 2 - 1 Galatasaray

Borussia Moenchengladbach 1 - 1 Juventus

Caawana kooxuhu waxay isku arki doonaan sidatan:

Bayern Munich vs Arsenal

Chelsea vs Dynamo Kyiv

Barcelona vs BATE Borisov

Roma vs Bayer Leverkusen

Olympiakos vs Dinamo Zagreb

Maccabi Tel Aviv vs FC Porto

Gent vs Valencia

Lyon vs Zenit St. Petersburg