Taariikh Ciyaareedka Brahimi

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqorka difaacanaya abaalmarinta ciyaaryahanka Afrika ee sanadkan ee BBC-da, Yacine Brahimi ee u dhashay Algeriya, waxa uu noqonayaa ninka labaad ee keli ah ee difaacda abaalmarintan, marka laga soo gudbo Jay-Jay Okocha ee sidan oo kale laba sano oo isku xigta ee 2003 iyo 2004tii lamagacaabay.

In marlabaad uu u tartamo abaalmarintan waxaa dhalisay hormarka sii socda ee uu sameynaayo tani iyo markii uu ku biiray kooxda FC Porto, oo uu uga yimi kooxda Granada bishii juley ee sanadkii 2014kii.

“Khibrad aad u badan Ayaan helaayaa oo aan ka qaadanayaa kooxaha waaweyn,” ayuu 25 sano jirkan u sheegay BBC-da. “Tani micneheedu waxa uu yahay inaan waxbadan baranaayo, si adag ayaanna maalinkastaa u shaqeeyaa si aan hormar u sameeyo”.

Waa hubaal inuu saacadahan dhan si wanaagsan u xasuusto.

Mid ka mid ah guulaha ugu wanaagsan ee Brahimi uu gaaray waxaa ka mid ah ololihii horyaalka yurub uu u galay sanadkii 2014/15kii, xilligaas oo ay gaareen semi-finalka, 42 gool ayuu xilligaasi dhaliya, waxaana ka sareeyeen, ciyaaryahanka Barcelone ee Lionel Messi iyo laacibka Chelsea ee Eden Hazard oo kala dhaliyay 71 iyo 51 gool.

Shan goo loo uu dhaliyay ayaa sidoo kale waxa ay caawiyeen inay kooxda Porto u gudubto rubuc-dhammaadka horyaalka Yurub, markii ugu horeysay lix sano.

Kuwaas waa calaamadaha xilli ciyaareedka ee Porto ay ku dhameysatay in ay horyaalka ay hogaamiso iyadoo Brahimi uu dhaliyay todobo gool iyo inuu xirfadiisa sare u siiqaado.

Ciyaaryahanka ayaa weli siiw ada inuu ku guuleysto abaalmarino kale oo dheeraad ah tani iyo markii xilli ciyaareedkan 2015-16ka ay bilowdeen.

Mid ka mid ah waxa uu helay bishii September, ciyaaraha Champions League oo ay ku arkeen kooxda Chelsea uu gurigooda ku garaacay iyo inuu garoonka Porto uu hogaamiyay goolashii laga dhaliyay. Kullankaasi ayaana ahaa kii 19aad ee Porto ay gurigeeda ku badiso.

Waxyaabo badan oo loo diiwaan geliyay ayaana jiro, machadka Clairefontaine ee dalka faransiiska waxa uu diiwaan geliyay 14kii goo lee ugu horeeyay ee uu dhaliyay kulamadii horyaalka Yurub.

Iyadoo waxbadan laga doonaayo, Brahimi waxa uu u muuqdaa inuu dhinackastaa ka diyaarsan yahay si uu u noqdo qofkii ugu dambeeyay ee Porto ay ku tiirsan tahay taas oo ka dhalatay dadaalka ciyaaryahan James Rodriguez, Hulk iyo Falcao ee dhowaanahan u ciyaara kooxaha ugu sareeya caalamka.

Isbedelkiisa wanaagsan, laqabsigiisa iyo xakameynta uu leeyahay, Brahaimi hadda wuu difaacikaraa wuuna weerarikaraa.

“Ma ogi in ciyaaryahanno badan ay sameyn karaa waxa uu sameeyo,” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka ee Algeria Christian Gourcuff, sanadkii hore.

Todobo qalad ayuu galay kullan looga adkaaday 3-1, taas oo celcelis ahaan qaladaadka uu galay ka dhigtay 3.7 intuu ciyaarayay, xilligii ay Algeria ka dhex muuqatay kooxda dhimashada ee ciyaarihii Afrika.

Inkastoo xilligaasi uu niyad jabay, Brahimi waxa uu sii waday isbedelka uu sameynaayo tani iyo xilligaasi.

---------------------------------------------------------------------------------------------------------

Aragtida Khubarada – Maher Mezahi, BBC Sport, Algeria:

Ma jiraa qof isku deyi kara laacibtinimada uu leeyahay Yacine Brahimi oo ku sugan Afrika? Shaki ayaa ku jira. Waxa uu sidoo kale u ciyaaraa qaabka ay taageerayaasha Algeria doonayaan taas oo ah in kubad dhaadheer oo awood leh la ciyaaro halkii gool un la raadin lahaa, waana boqorta lambarka sideedaad ee Porto.

Taasi waa sababta keeneysa in brahimi uu ku guuleysto abaalmarinta BBC ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika ee sanadkan, sababtoo ah hanaankiisa ayaa soo jiiftay taageerayaasha iyo bulshada.

Waxaad ku codeyn kartaanbogaan BBC-da ama idinka oo soo diraya Text fariin ah. oo aad numbarkani kusoo hagaajinaysaan 0044 7786 202 008 adigoo qofkaad doonayso numabrkiisa dooranaya.

Text 1 for Pierre-Emerick Aubameyang

Text 2 for André Ayew

Text 3 for Yacine Brahimi

Text 4 for Sadio Mané

Ama Text 5 for Yaya Touré