Taageerayaal laba kooxood oo wada heesay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Rooney iyo Koscielny oo ka qeybgalay cayaarta saaxibnimada ee Faransiiska iyo England

Waxay ahayd ciyaar si gaar ah oo xiisa badan u dhacday iyadoo taageerayaasha labada kooxood ee garoonka Wembley soo galay ay wada istaageen iyagoo ku luuqeynaya magaca La Marsailaise.

Shaashadaha waaweyn ee yaalla garoonka dhexdiisa waxay muujiyeen erayada heesta calanka taageerayaasha labada dhinacna waxay u mideysnaayeen soo bandhigid wada jirkooda.

Waraaqo si farshaxan ah loogu qurxiyay calanka saddexda midab leh ee waddanka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay qayb garoonka ka mid ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taageerayaasha kooxaha Faransiiska iyo Ingriiska oo muujinaya midnimo

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Faransiiska waxay ku dhowaadeen inay qiiro la dhacaan.

Labada kooxood markaasi kaddib ayay wada istaageen, koox ahaan, iyadoo dadweynuhu sacabba tumayaan. Waxaana la sameeyay daqiiqad aamusnaan ah.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Garoonka ayaa si weyn loo qurxiyay

Kaddib dhibaatadii weyneyd ee ka dhacday Faransiiska iyo carada ka dhalatay, ciyaartani waxay ahayd mid si qurux badan loo maamulay sida kubbadda cagtu ka tarjuntay, loogana horjeestay falalka argagixisada.

Natiijada ciyaartaasi oo ahayd mid saaxiibtinimo waxay noqotay 2 - 0 ay ku badisay kooxda qaranka ee Ingiriisku.