Arsenal oo nooleysay rajadeedii UCL

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciyaaryahan Ozil oo dhaliyay mid ka mid ah goolashii Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa nooleysa rajada ay ka qabto in ay u gudubto wareega xiga ee horyaallada Yurub, kaddib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda Dinamo Zagreb.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhanka kale ka fujisay Arsenal, kaddib markii ay kooxdaasi Jarmalka ah 4-0 kaga adkaatay Olympiakos.

Natiijooyinka kale ee ciyaarihii xalay dhacay ayaa kala ah:

Barcelona 6 - 1 Roma

Bayern Mun 4 - 0 Olympiakos

M'bi Tel-Aviv 0 - 4 Chelsea

BATE Bor 1 - 1 Bayer Levkn

FC Porto 0 - 2 Dynamo Kiev

Zenit St P 2 - 0 Valencia

Lyon 1 - 2 KAA Gent