Manchester City oo semi final ka Capital one Cup u gudubtay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Man City beryahan dardar ayey ku socotaa

Kooxda Manchester City ayaa waxa ay gaartay Semi finalka ciyaaraha horyaalka League Cap ee Britian markii afaraad todobadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kaddib markii si fudud ay uga badiyeen kooxda Hull City.

Wilfried Bony oo dhaliyay goolka furitaanka ayaa waxa uu dib ugu celiyay kubad soo noqotay.

Kelechi Iheanacho ayaa asna gool u badalay kubad uu soo tuuray Raheem Sterling, kaas oo ka mid ahaa afarta gool ee 10kii daqiiqo ee ugu dambeysay ay dhaliyeen.

Kevin de Bruyne ee Hull city ayaa arrintasi ka jawaabay, wuxuuna dhaliyay laad xor ah taas oo aad uga farxisay kooxdiisa iyo taageerayaashoodaba.

Laakiinm Adres Robertson ayaa arrinta sii cakiriyay markii goolkii sedaxaad uu Hull ka dhaliyay.

Manchester City, oo ku guuleysatay kooxkan xilligii 2014kii, waxa ay raadsanayaan kooxda ay semi finalka la ciyaarayaan kaddib kulamada maanta dhacaya.