Arsenal iyo Chelsea way gudbeen xalay

Costa and Mourinho Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maamule Mourinho iyo laacibka Diego Costa

Arsenal iyo Chelsea labaduba way soo baxeen - Arsenal markii 16aad ee xiriir ah ayay soo baxday, sidaad darteed kooxda keliya ee ka tirsan tartanka Premier League ee hartay waa Manchester United oo iyadu ka cabatay in qolka lagu lebbisto uu aad u kululaa ciyaartii muhiimka ahayd ee ay ka badisay kooxda Wolfsburg.

Arsene Wenger waxaa uu sheegay in Arsenal ay soo bandhigtay ciyaar koox ahaaneed oo buuxda kulankii ay la yeelatay kooxda Olympiakos oo ay 3-0 uga adkaatay si ay ugu gudubto 16 kooxood ee ugu dambaysta isugu tegaya tartanka horyaalka qaaradda Yurub oo bartamaha sanadka dambe ka dhici doona dalka Faransiiska.

Chelsea oo haysata horyaalka Ingiriiska ee hadda loo tartamayo sanadkan si xun ayay ku socotaa gudaha ahaan, waxaana laga badiyay siddeed ka mid ah 15 kulan oo ay u safatay intii horyaalku socday, waxayna ku jirtaa kaalinta 14aad.

Hase ahaatee waxay si wanaagsan uga ciyaareen horyaalka Yurub , iyagoo ku guulaystay afar ka mid ah lixdii kulan ee ay yeesheen, midna barbardhac galay si ay u soo gaaraan heerka kooxdii laga badiyaa ay baxayso.