Platini oo wayey rafcaankii uu qaatay

Lahaanshaha sawirka AFP

Maxakamada dhexdhexaadinta ciyaaraha ayaa maanta halakeedi ku daysay 90 cisho ee FIFA shaqada ka joojisay Platini , sidaa waxaa sheegay sarkaal u hadlay maxakamada .

Xukunkani ayaa xaga daac ku ah hamiga Ninkani Faransiiska ah ee rabay inuu noqodo madax ururka kubbada cagta ee aduunka FIFA. Madaxa ururka kubbada cagta ee Yurub UEFA ayaa loo haysatay inuu yahay ninka ugu dhaw inuu badalo Sepp Blatter tan iyo markii ay Bilayska Swissku danbi baadhis ku bilabeen.