Leicester oo cagta marisay Chelsea

Kooxda Leicester ayaa dib u hanatay hogaanka horyaalka kubada cagta ee Ingiriiska kadib markii ay xalay laba iyo hal ku jiidheen kooxda Chelsea ee uu tabo baraha u yahay Jose Mourinho ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka kubbda ee kooxda Leicester ee King Power.

Ciyartooyga weerar yahanka ah ee Leicseter City Jamie Vardys oo xili ciyaareedkan 2015/2016 dhaliyey 15 gool ayaa ku furay gool quruxbadan oo qaybtii hore iyadoo Riyad Maharezana uu dhaliyey goolkii labaad ee guusha siyey kooxda uu hor kacayo Claudio Ranieri’s.

Xaalka ayaa ku adag Chelsea iyagoo dhibic qudha ay ka xigto liiska dhicista.