Orodkii Leicester waxaa joojisay Liverpool

Christian Benteke Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Benteke oo dhaliyay goolka guusha Liverpool

Maanta waxaa jiray 10 ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, waxaana loo kala badiyay:

Stoke 2 - 0 Manchester United

Man City 4 - 1 Sunderland

Aston Villa 1 - 1 West Ham

Bournemouth 0 - 0 Crystal Palace

Chelsea 2 - 2 Watford

Liverpool 1 - 0 Leicester

Swansea 1 - 0 West Brom

Tottenham 3 - 0 Norwich

Newcastle iyo Everton way socotaa, waxayna kala joogaan 0 - 0 waqtiga daabacaadda maqaalkan.

Southampton iyo Arsenal saacadda London 19:45 ayay bilaabanaysaa.

Chelsea oo uu hoggaaminayo Guus Hiddink, kaddib markii shaqada laga saaray Jose Mourinho's sacking, guul kale ayay gaari lahayd haddii laacibka Oscar uusan ka khasaarin lahayn fursad penalty ama rigoore kooxdu heshay daqiiqadihii ciyaarta ugu dambeeyay.

Waxaase toddobaadkan khasaaraha ugu weyn la kulantay kooxda Manchester United oo markii 4aad ee xiriir ah laga badiyay, isla markaana toddobadii kulan ee ugu dambeeyay ku dhammaysatay guuldarro ama barbardhac.

Maamulaha Manchester United, Louise Van Gaal, oo ka hadlay sida uu uga xun yahay guuldarradaas, waxaa uu yiri waxaaba dhici karta inaan anigu shaqada iska eryo.