Real Madrid oo eriday tababaraheedii

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Rafa Benitez

Kooxda weyn ee kubadda cagta ee Real Madrid, ee dalka Spain, ayaa waxa ay eryeen tababarahoodii Rafa Benitez.

Real Madrid ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta kala horreynta shaxda horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna ka hoosaysaa kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo kow iyo laba ku kala jira.

Benitez, oo kooxdaasi maamulayay todoba bilood oo kaliya ayaa waxaa saarnaa cadaadis tan iyo markii ay 4 iyo waxba bishii Nofeembar kaga adkaatay kooxda Bercelona ee uu ka dhaxeeyo xifiiltanka adag.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Zinedine Zidane,

Kabtankii hore ee xulka Faransiiska ahna tababaraha kooxda da’da yar ee Real Madrid B, Zinedine Zidane, ayaa loo magacaabay in uu qabto xilka laga qaaday Benitez.

Kooxda Real Madrid oo 10 jeer ku guulaysatay koobka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League-ga, ayaa wargeyska Forbes waxa uu ku tilmaamay in ay tahay kooxda ugu dhaqaalaha badan Adduunka.