Madaxii IAAF, Lamine Diack oo la eedeeyay

Lahaanshaha sawirka AP

Hay'adda caalamiga ah ee ka hortagga adeegsiga dawooyinka jirka kordhiya ayaa sheegay in madixii hore ee cayaaraha fudud Lamine Diack, "uu abaabulay, isla markaana kana fududeeyay shirqool iyo musuqmaasuq" gudaha guddiga maamula cayaaraha ee IAAF.

Warbixin loogu magacdaray WADA ayaa lagu sheegay in Mr Diack uu u muuqday in uu "aqoon shaqsi ah u lahaa" wax isdaba marin iyo baad.

Mr Diack ayaa la xiray oo dacwad loogu soo oogay gudaha dalka Faransiiska bishii November.

Warbixinta golaha IAAF, waa hubaal ah baa la leeyahay in ay ka warhaysay heerka uu gaarsiisan yahay dawo qaadashada cayaartoyda.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxay eedaysay wiil uu dhalay Mr Diack, Papa Massata Diack oo ah la taliye hore ee dhinaca suuqgaynta cayaaraha fudud.

Booliiska caalamiga ah ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo, iyadoo la sheegay in sababta loo doonayo ay tahay laaluush iyo musuqmaasuq uu ka sameeyay gudaha dalka Faransiiska.