Kooxaha Real iyo Atletico Madrid oo la ganaaxay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxaha Real iyo Atletico Madrid ayaa la ganaaxay

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa laga mamnuucay in ay ciyaartooy cusub qortaan labada xilli ee soo socda ee ciyaartooyda lala kala wareegayo.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ganaaxaasi saaray, waxaana kooxaha loo haystaa in qaab aan sharciga waafaqsaneyn u qorteen ciyaartooy da’ yar ah.

Labada koox ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan ganaaxaasi.

Ganaaxaasi ayaan kooxaha saameyn doonin la kala wareegida ciyaartooyda ee bishan January.

Sidoo kale kooxda Atletico ayaa lagu khasbay in ay bixiso lacag dhan 622,000 oo Giniga Britain ah, halka Real laga doonayo lacag dhan 249,000 oo ah Giniga Britain.

Kooxda Barcelona ayaa sidan oo kale loo ganaaxay bishii April 2014 ka dib markii ay si sharci darro ah kula soo wareegtay ciyaartooy 18 sano jir ka yar.