Ciyaartooyda lala kala wareegayo xiligan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lukaku ayaa hadda Everton.

Kooxda Everton waxay dalban doontaa in Manchester United ay bixiso £65m haddii ay doonayso in ay qaadato laacibka 22-ka reer Belgium ee Romelu Lukaku. Sidaas waxaa sheegay naadiga Everton.

Lukaku waa laacibka ugu horreeya xagga gool dhalinta tartanka horyaalka Ingiriiska ee sanadkan, waxaana isaga iyo laacibka Leicester weerarka uga dheela ee Jamie Vardy ay wada leeyihiin min 15 gool.

Dhinaca kale, West Ham waxay diyaar la tahay £18m inay siiso Liverpool si ay ugala wareegto weeraryahanka Daniel Sturridge oo 26 jir ah, iyadoo maalulaha Liverpool Jurgen Klopp uu u muuqdo inuu go'aansaday in uu ciyaartoygaas iska iibiyo.