Senegal: Ma dhiibayno muwaadiniinteenna

Papa Diack Lahaanshaha sawirka Xibaaru Senegal
Image caption Papa Massata Diack waa ninka la doonayo

Dowladda Senegal waxay ku adkaysanaysaa inaysan muwaadiniinteeda u gacan gelin doonin waddan dibadda ah. Waa jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah ee ay ka bixiso amar caalami ah oo lagu soo xirayo Papa Massata Diack, oo ah wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee xiriirka caalamiga ah ee ciyaaraha fudud IAAF, lamine Diack.

Mr Diack waxaa laga doonayaa waddanka Faransiiska si su'aalo loo weydiiyo kaddib markii ay soo baxday warbixin hay'adda caalamka u qaabilsan kahortagga walxaha awoodda ciyaartoyda kordhiya, taas oo ku xiriirisay eedo khiyaamo lacageed. Aabbihiis, Lamine, waxaa lagu xiray dalka Faransiiska dacwad ayaana lagu soo oogay bishii November.

Ra'iisal wasaaraha Senegal, Mohammed Dionne, waxaa uu sheegay inuusan garanayn dowlad wax isku falaysa oo muwaadiniinteeda dal kale u gacan gelisay.