Arsenal iyo Chelsea oo caawa dheelaya

Image caption Diego Costa iyo ciyaartii Arsenal ee bilowgii horyaalka

Labada kooxood ee waa weyn ee Arsenal iyo Chelsea ayaa caawa fiidkii waxa ay yeelanayaan kulan aad u kulul.

Waxaa la filayaa in kooxda Arsenal ay usoo laabtaan labada ciyaaryahan ee ay ku tashato ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil kuwaasi oo ka soo kabsaday dhaawacyo soo gaaray.

Ciyaaryahanka ay dhawaantan la soo saxiixatay kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny ayaa weli waxa uu sugayaa in uu kooxdaasi u safto.

Dhanka kalana kubad sameeyaha kooxda Chelsea, Eden Hazard, ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdaasi kaddib markii uu dhaawac soo gaaray, waxaana la filayaa in uu safan doono ciyaarta caawa.

Diego Costa oo isna uu dhaawac soo gaaray ciyaartii Everton ee todobaadkii hore ayaa isna la filayaa inuu soo bogsoodo.

Arsenal ayaanan Chelsea ka badin siddeedii kulan ee ugu dambeesay horyaalka Ingiriiska, guushii ugu dambeysayna waxa ay aheyd markii ay bishii Oktoobar ee 2011-kii 5-3 Arsenal uga badisay Chelsea.

Saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labadan kooxood ku dheelaan garoonka Emirates ee Arsenal waxa ay ku soo dhamaadeen 0 – 0, ciyaarta afraadse waxaa 2-1 ku badisay kooxda Chelsea.

Haddii Chelsea ay guulaysan wayso waxa ay rikoor cusub u dhigaysaa dhibcihii ugu yaraa ee ay koox difaacanaysa horyaalka ka uruursato 23 kulan oo ay dheeshay.