Leicester iyo Tottenham oo guulo gaaray

Lahaanshaha sawirka Barclays Premier League

Ciyaarihii shalay ee horyaalka Ingiriiska ayaa kooxaha Leicester iyo Tottenham waxa ay gaareen guulo muhiim ah, halka Manchester United ay soo gaartay guuldarro weyn, Manchester City-na ay barbaro gashay.

Leicester oo hogaanka u qabatay horyaalka Ingiriiska

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Mahrez iyo Vardy oo u dheela kooxda Leicester

Kooxda Leicester City ayaa saddex dhibcood oo nadiif ah waxa ay ku hogaaminaysaa horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay guul muhiim ah ka gaartay ciyaartii ay la yeelatay kooxda Stoke City.

Ciyaarta ayaa waxa ay ku dhammaatay 3-0 oo ay guushii kula hooyatay kooxda Leicester oo ay goolashu u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Danny Drinkwater, Jamie Vardy iyo Leonardo Ulloa.

Stoke City ayaanan soo bandhigin ciyaar wanaagsan.

Liverpool oo guul dirqi ah gaartay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahanada Liverpool oo u dabaaldegaya goolkii uu Adam Lallana ka dhaliyay kooxda Norwich

Ciyaartii shalay dhex martay kooxaha Norwich iyo Liverpool ayaa noqotay mid ka mid ah ciyaarihii ugu xiisaha badnaa horyaalka Ingiriiska ee xagaagan, iyadoo ay labada kooxood iska dhaliyeen sagaal gool.

Adam Lallana ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta goolkii guusha u dhaliyay kooxdiisa Liverpool.

Liverpool ayaa goolasha ciyaarta bilowday oo waxaa u daahfuray Roberto Firmino, balse waxaanan sidaa ku harin Norwich oo 10 daqiiqo kaddib barbareysay, misana gool kale u sii raacisay ka hor inta aanan la kala nasan.

Qeybtii labaad ayey haddana Norwich la soo baxday dardar kale oo gool saddexaad ayey ku sii dareen ciyaartii, balse Liverpool ayaa dhiig iska raadisay oo laba gool oo degdeg ah ku barbareysay Norwich.

Markanna hoggaankii ayey qabatayba Liverpool oo gool afraad ayey sii raaciyeen, balse markii ay sagaashanka daqiiqo saacaddu isku taagtay ayaa Liverpool la barbareeyay.

Waxaase Liverpool u soo baxay laacibkooda Adam Lallana oo daqiiqaddii ugu dambeysay ee waqtiga dheeriga ah u jaray xarigii kooxda Norwich guushiina sidaa ay ugu raacday 5-4 kooxda Liverpool.

Manchester City iyo West Ham oo isku garab dhacay

Image caption Sergio Aguero

Sergio Aguero ayaa laba jeer badbaadiyay kooxdiisa Manchester City kaddib markii uu u dhaliyay laba gool oo uu ku barbareeyay kooxda West Ham.

Labada gool ee West Ham ayaa waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Enner Valencia oo goolkiisa hore dhaliyay 53 ilbiriqsi oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, hasayeeshee Aguero ayaa gool ku laad ku barbareeyay kaddib markii khalad lagu galay.

Markale ayey hoggaanka ku soo laabatay kooxda West Ham oo isla Valencia haddana uu gool u dhaliyay, balse waxaa markale ka daba yimid Aguero oo barbareeyay.

Sidaana ciyaartu waxa ku soo dhammaatay 2-2.

Manchester City ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka iyadoo saddex dhibcood ka hoosaysa kooxda Leicester, halka kooxda West Ham ay ku jirto kaalinta lixaad.

Manchester United oo gurigeeda markale lagu tumay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Charlie Austin oo citaartiisii ugu horraysay gool u dhaliyay kooxda Southampton

Ciyaaryahanka badelka ku soo galay ee Charlie Austin ayaa todaba daqiiqo gudahood ku dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda Southampton oo uu dhawaantan u soo wareegay, iyadoo sidaasina loogaga adkaaday kooxda Manchester United oo ku dheelaysay garoonkeeda Old Trafford.

Austin ayaa daqiiqaddii 87 dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta.

Southampton ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku badisay garoonka Manchester United ee Old Trafford.

Ciyaaryahanada Man United iyo tababarahooda Louis van Gaal ayaa markii ay ciyaarta dhammaatay waxaa ku orinayay taageerayaasha kooxdaasi oo ka niyadjabsan awooddarida haysata weerrarka kooxdooda.

Manchester United ayaa weli ku jirta kaalinta shanaad ee shaxda kala horreynta horyaalka.

Tottenham oo quusiyay Crystal Palace

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dele Alli oo gool qurux badan u dhalilyay kooxdiisa Tottenham

Kooxda Tottenham ayaa 3-1 waxa ay isaga reebtay kooxda Crystal Palace oo ay marti u aheyd.

Waxaa goolashaasi ka mid ahaa gool aan caadi aheyn oo uu Dele Alli ka dhaliyay 25-yaardi meel u jirta goosha.

Crystal Palace ayaa goolka la hormartay balse waa ay difaacan waayeen, waxaana goolkaasi iska dhaliyay daafaca Spurs ee Jan Vertonghen.

Labada gool ee kale ee Tottenham-na waxaa kala dhaliyay ciyaaryahanada Harry Kane iyo Nacer Chadli.

Tottenham ayaa adkeysatay booskeeda afraad ee kala horreynta horyaalka.