Boliiska talyaaniga oo baaraya naadiyo

Lahaanshaha sawirka italy

Boliiska Talyaaniga ee qaabilsan canshuurta, ayaa sameeyay aroornimadii baaritaano la xiriira eedeymo canshuur aan la bixin iyo xisaabo qalas ah ee lala xiriirinayo naadiyayaasha kubada cagta.

Boliiska ayaa sheegay in la bartilmaamaysanayo dhowr iyo toban masuul oo ka socda soddon iyo shan naadi oo ku jira horyaalada ugu wayn.

Dacwad ooge koonfurta magaalada Naples, ayaa sheegay in boliiska canshuurta ay wadaan hawlo lagu soo aruurinayo xoolo naadiyada ay leeyihiin, oo qiimahoodu ka badan yahay laba iyo tobanmilyan oo Euro.