Vidic iyo Sturridge

Nemanja Vidic oo ahaan jiray kabtankii kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo kubadda cagta.

Vidic uu u dhashay Serbia wuxuu 8dii sano ee uu u ciyaarayey Manchester United uu ku guuleystay 5 koobka horyaalka ingiriiska iyo horyaalka Yurub,waxaase laacibkan ku khasbay inuu ka fariisto ciyaaraha dhaawacyo qaar qaliin uu u galay.

Vidic, waa 34 jir,wuxuu is-af garad kaga tagayaa bisha janaayo kooxda kubadda cagta talyaaniga ee Inter Milan oo uu u safan waayey xilligan ciyaaraha Serie A. ------------------------------------------------------------

Laacibka Liverpool iyo England, Daniel Sturridge wuxuu ka soo kabanaya dhaawacyo is xig xigay oo uu awoodi waayey inuu ciyaaro.

saddex sano ka hor ayuu Sturridge oo 26 jir ah wuxuu ku biiray Liverpool,hase ahatee kooxda uma safan 54% waqtigii uu naadiga ka tirsan yahay oo waxaa uu lumiyey 614 maalmood oo ka mid ah

1,121 maalmood ee uu ka tirsan yahay Liverpool.