Pep Guardiola oo noqon doona madaxa Manchester City

Lahaanshaha sawirka Reuters

Pep Guardiola oo 45 jir ah ayaa hadda xukuma Bayern Munich, wuxuuna badali doonaa Manuel Pellegrini , oo tagi doona dhamaadka 30 June.

Hadal ay soo saartay Manchester City ayay ku sheegtay in MR Pallegrini uu taageeray go'aanka.

Manual Pallegrini, oo 62 jir ah ayaa la magacaabay 2013, wuxuu kooxda u suurto galiyay inay qaado koobka Premier League iyo League Cup hal sano gudaheed.

Pep Guardiola ayaa guulo u soo hoyay Bayern Munich iyo Barcelona oo uu xukumi jiray.