Naadi Shiineys ah oo 50m euro ku iibsaday Teixeira

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Alex Teixeira ayaa u wareegaya naadi ka dhisan Shiinaha

Naadi kubadda cagta ah oo ka dhisan dalka Shiinaha ayaa lacag dhan 50 milyan euro kula soo wareegay ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil.

Lacagtaasi ayaa ah tii ugu badneyd ee uu naadi ka tirsan Super League-ga Shiinaha uu ciyaartooy kusoo iibsado.

Naadiga oo lagu magaaco Jiangsu Suning ayaa kooxda Ukraine ka dhisan ee Shakhtar Donetsk lacagtaasi kaga soo qaatay Alex Teixeira.

Kooxaha Shiinaha ayaa hadda bilaabay in malaayiin dollar ku kharash gareeyaan laacibiin caalami ah.