Leicester waxay ka yaabsatay Man City

Jamie Vardy Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Jamie Vardy waxaa uu hoggaaminayaa gool dhalinta

Sabtidan waxaa dhacay siddeed ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, waxaana guulaysteen kooxaha Leicester, Aston Villa, Newcastle, Everton,Tottenham Hot Spurs. Waxaana loo kala badiyay:

Hoggaamiyeyaasha tartanka horyaalka Premier League oo ah Leicester waxay ka yaabsatay kooxdii ku soo xigtay ee Manchester City oo garoonkeeda ay uga badisay, lix dhibcoodna ka sare martay.

Robert Huth ayaa laba gool ka dhaliyay Manchester City, waxaana goolka 3aad oo ka mid ahaa goolasha sanadkan ugu quruxda badan ka dhaliyay Riyad Mahrez.

Weerarka Manchester City marmar dhif ah ayay kala furfurayeen difaaca Leicester, halka difaaca Manchester City uu u muuqday mid aad ugu nugul weerarka Leicester ku soo qaadeysay.

Manchester City waxaa daqiiqadihii ciyaarta ugu dambeeyay gool u dhaliyay Sergio Aguero.

Natiijooyinka kulammadii kale:

Aston Villa 2- 0 Norwich

Liverpool 2 - 2 Sunderland

Newcastle 1 - 0 West Brom

Stoke 0 - 3 Everton

Swansea 1 - 1 Crystal Palace

Tottenham 1 - 0 Watford

Southampton iyo West Ham ciyaartoodu way socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan.